XULASHADA GUURKA (GABAY) (4)
Gabaygan Xulashada guurka oo aan foodsaar uga dhigtaya hablaha ama gabdhaha laakiin ku wajahan guud ahaanba dhllinta wiilal iyo gabdhoba waxa uu soo baxay sannadkii 2007 waxa aan kula dardaarmayaa dhallinta guurdoonka oo aan leeyahay si aad u heshaan reer raaga oo raandhiis leh in aad qofka aad nolosha la wadaagi doonto iska barato oo aad dhuxdo si aan guurkaagu u noqon mid aad ku guuldarraysato.Gabaygu waxa uu soo qaadanayaa tiirarka islaamka qofka laga helo tiirarka islaamka waxa laga yaabaa waxa ka dhimani in uu yar yahay.
Gabay xiise weyn uma an qabin inaan ku xiiqaaye
Ma xaalleeyo waayadan murtida xulashadeediiye
Dhaaxaan xarrago sheegi jiray xarafka maansaade
Xeerbeegtidiisaan ahaa lagu xurmeeyaaye
Waa xisaabtan dunidu é mar aan xalayto faalleeyey
Murti aan u soo xulay gabdhaha haatan igu xeeran
Xirsi waara inan uga dhigo iyo xusuus raagta
Xil i saaran weeyee dadyahoow maanta iga xoorsha

Iyaguna xurmay mudan yihiin lagu xusuustaaye
Nimankii murtida xididdadiyo xeerka u sameeyey
Raggii gabayga xoodaamin jiray waa xabaalaha é
Xushmo iyo abaal baan annagu u xawileynaaye
Xadkii ay marsheen inaan ku simo igu xaq weeyaane
Murti aan u soo xulay gabdhaha haatan igu xeeran
Xirsi waara inan uga dhigo iyo xusuus raagta
Nimankii murtida xididdadiyo xeerka u sameeyey
Raggii gabayga xoodaamin jiray waa xabaalaha é
Xushmo iyo abaal baan annagu u xawileynaaye
Xadkii ay marsheen inaan ku simo igu xaq weeyaane
Murti aan u soo xulay gabdhaha haatan igu xeeran
Xirsi waara inan uga dhigo iyo xusuus raagta
Xarbi weeye noloshuye haddaan marada loo xaydan
Waa xoogsi dunidu´e haddaydaan u xusul duubaynin
Xarumaha cilmiga lagu barto iyo nolosha xaalkeeda
Haddaydaan u xaadirin tacliin waa xad gudub weyne
Xog ogaal haddaydaan u noqon xaalka yaal dunida
Libin inaad u soo xaadirtaan xalayto weeyaan

ikmad weeye guurkuye midkii xaakin kugu beego
Ee aad jacayl wada xidhaan iyo xalaal guura
Intaan dadab laguu xeerin eed weli xalaaloobin
Xilo iyo intii aanad noqon xaaslay guri joog ah
Xod xodaha horaa lagu gartaa inan rag xaalkiise
Xulashada haddad u xor tahay iyo inaad xisaabtaa

Xooluhu cidnaba lama ay dhalan la isku xidhayaaye
Hadduu Eebbeheen kuu xukumo xoolo waad heliye
Dadnimadiyo xasillonidaa lagu xushaa wiil´e
Xeeldheere dhaqankii xafiday oo xasladay diinta
Xaqa aad ku leediyo mid garan waajibkiyo xeerka
Intaan qalinku xaashida ku dhicin eed xor tahay fiirso

Midkaan xadhigga Eebbeheen adkayn iyo xaqiiqdiisa
Xaq baa Eebbe lagu caabudaaye kaan xajinin diinta
Xidhiidhkii anbiyadiyo midkaan xafidin iimaanka
Xasanaadka Eeebiyo midkaan ku xawilnaan qowlka
Xadiiskii Rasuulkiyo midkaan diinta xiganeynin
Xikmaddaa midkaan kula fahmayn abid ha xaalleynin

Salaadaha midkaan xaadirin een Eebbe ka xishinoonin
Xaglihiisa weysada midkaan ku xardhin eyn muuqan
Xadhiggii Ilaahay midkaan xajisan een haysan
Xiqdigiyo midkii aan ka hadhin xumaha shaydaanka
Wixii laga xarrimay iyo midkaan garanin xaaraanta
Sujuudaha midkaan ku xasilayn abid ha xaalleynin

Nooluhu in uu xoogsado uu xoolo badan yeesho
Waa xeer u yaal aadamaha xaal u joogaba´e
Ha yeeshee kuwaa xeelad badan oon sakaba xaaleyne
Hantidana xalaal bay u tahay baahanena xoolo
Bakhayl aan xil saarneynse waa xoolohoo kale é
Xaalkaa midkaan kula fahmayn abid ha xaaleynin

aaraan cun weeyaan midkaan soon xajinihayne
Xalaal quute maahee ninkaa oonta xaday soonka
Ee xadkii Ilaahay u dhigay ka xarragoon waayey
Xaqdarrada midkaa doortay ee xumaha caadeystay
Faadirkaa xumaanta u qastiyee xeradii weydaartay
Xadhko goyska beenaalaha ah abid ha xaalleynin

Xashku waajib weeyee midkaan xaramka aadeynin
Midkaan diinta xoog siinin een xarafka raacaynin
Xaqa Eebeheen nagu xukumay kaan xafidihaynin
Xumaantoo dhan kaan ka xarmaneyn xaashe iyo yaabe
Xaramkii Ilaahay midkaan rabin inuu xaasho
Xumaan baa u laabane ee midkaa abid ha xaaleynin

Xaqii waalid ruux aan gudayn een xurmo aqoonin
Hooyadii xanjaadka ku sadday ee xaynka u adkaysay
Xamilqaadkii uurkii markay xanaf wareereysay
Iyo aabbihiii xoogga iyo xooloba ku beelay
Ee dartii intuu xadhig u galay jeelna lagu xuuray
Xusuustaa midkii aan lahay abid ha xaalleynin

Midka deriska aan wada xurmayn xaafadaha jaarka
Xigto iyo midkii aan aqoon gacalka xeerkiisa
Xeer beegtida la soo xulo midkaan lagu xisaabaynin
Xayawaan sidiisii midkaan cidiba xaalleynin
Midka samaha aan xoojineyn nololi waa xeere
Intii adiga lagu xaman lahaa abid ha xaalleynin

Xamasta iyo carruurtii midkaan kula xannaaneynin
Waa xafiiltan noloshu´e midkaan u xusul duubaynin
Ee aan u soo xoogsaneyn una xammaleynin
Xurmo daranayaal baa jira aan ubadba xaaleyne
Adoo xuuralcayn u eg intaad noqon lahayd xooshka
Kelidaa intaa xiiqi lahayd kanna ha xaalleeynin

Xuun iyo shinoo kale midkii goor walba xanaaqsan
Markuu soo xeroodaba midkii hadal xun uun sheegi
Xurguf aan dhammaan iyo xasarad joogta subax noolba
Xaalkiisa lama bixini karo waa xujiyo yaabe
Xilligaba midkaa aan la socon laga xawaareeyey
Xasaasiyad intaad qaadi lahayd abid ha xaalleynin

Midka xeesha badan ee wax uun kala xasaynaaya
Wax uunbaa u xeebane midkaa uurka kaa xidhaya
Xogtiisaba midkii anad helayan xaal kastuu joogo
Xumaan iyo samaan ruux midnaba anan ku xaalleynin
Nimaan xeel baxayn waa addoon laga xumaadaaye
Xabaashaa warkeed aanad helayn abid ha xaalleynin

Midka xilo bilaalka ah ee hablaha guurka ku xumeeya
Xayeysiiska iyo beentu waa xaal u gooniya é
Xiisaha intuu kuu qabuu xaami kuu yahay´e
Xilma saarna weeyee intaanu meel xun kugu xuurin
Xannibaad intaad gali lahayd murug xanuun weyn leh
Xujo badanahaa godolaha ah abid ha xaalleynin

Allahayoo mid xaafidul qur´aana oo diinta xiganaaya
Oo xertii anbiyadiyo la mid ah xulufadii Nabiga
Xaqa aadamaha ruux yaqaan oo xadgudub reebay
Xamilkii hayiin ruux leh oon abidkii xiiqeynin
Mid aan weligii kaa xiisa dhicin kuna xumayn doonin
Xilkas wiil ah baan kuu baryey ood xaaskii noqotaaye

Xaamila markaad tahay adoo foosha la xaraabi
Oo xaaladdaa adag ku jira xaakinna u magan ah
Xuun dhalay sidiisii midkaa kugu dul xoomaaya
Ee xanuunka kula qaybsan ee kula xubloonaaya
Xoog furane lagu wada farxoon abid xanaaqaynin
Xilqaad wiil ah baan kuu baryey ood xilihi noqotaa

E-MAIL cabdiyogol@gmail.com please like facebook page and comment
TWITTER:- https://twitter.com/naanaws1
facebook.com:- https://www.facebook.com/Mohamed-abdi-yogul-1005948249494453/?ref=aymt_homepage_panel
No comments:
Post a Comment