Haddii dunida lagu waarayooy daa'in noqonayso
Asaxaabihii baan degeen laysu soo diraye
Daahaa ku noolaan lahaa degelladiisiiye.
Dad iimaan leh baynu nahay oo Ilaahii raxiimka ahaa ee Cali Banfas oofsaday baannu qaddartiisa raali ku nahay. Geeridu waa xaq midbase tan kale ka xanuun kulul ee ma nin iyo baa naga dhintay!! Markii rag kala hadhay ee la isu badheedhay iftiin Ilaah noogu deeqay oo eray iyo ficilba astaan noo noqday buu ahaa. Ilmadii indhayga ku soo joogsatay waxan ku ooday "Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun". Geeri xaq ah buu dhintay waalaalkeen Cali Banfas ee wixii uu naftiisaa maanta baxday biime kuu geshay, maanta ayuu kuu baahan inaad Eebbe denbidhaaf uga tuugto. Ilaahoow cadaabtaada ka nabad geli. Ilaahoow u naxariiso walaalkay Cali Xasan Aadan. Aammiin, Aamiin, Aammiin.https://twitter.com/naanaws1
No comments:
Post a Comment