Nala soo xidhiidh

Email:-cabdiiyogol@gmail.com
Facebook:-Maxamedcabdi19

Thursday, 28 April 2016

Shan nin oo loo haysto qaraxyadii Baydhabo ka dhacay oo la horkeenay Maxkamadda Ciidamada..

Shan nin oo loo haysto qaraxyadii Baydhabo ka dhacay oo la horkeenay Maxkamadda Ciidamada28 April 2016
Iyadoo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ay afar ka mid ihi raggaasi ku xukuntay dilka, halka midka kalana ay saddex sano ku riday, ayaa waxay ka qaateen rafcaaLiibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa gelinkii dambe ee maanta u fariistay dacwad ciqaabeedkii loo haystay shantaasi nin.
Shanta nin ee Maxkamadda la horkeenay, ayaa kala ah Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed oo dil lagu xukumay iyo C/qaadir Cali Maxamed oo saddex sano lagu xukumay.
Saraakiisha Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Maxkamadda horkeenay cadeymo iyo qiraal ku cad in dadkaasi ay ka masuul ahaayeen laba weerar, oo siyaabooyin kala duwan loogu qaaday maqaaxiyado ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo, xilli ay fadhiyeen dad rayid ah. Weeraradaasi oo mid ka mid ah uu fuliyay nin xirnaa suunka ka samaysan walxaha qarxa, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 50 ruux. Waxayna dhaceen taariikhda marka ay ahayd 28-kii bishii February ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa Maxkmadda la horkeenay askari ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliya, oo 10-kii bishii hore ee March nin ganacsade ahaa ku dilay bar kontorool oo ku taala Maanya Fuulka Baydhabo. Askarigan ayaa rafcaan ka qaatay xukun dil ahaa oo isla bishaasi ay ku xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa wuxuu intaasi ka dib soo xiray kulankii lagu dhageysanaayay dacwadda eedeysanayaasha, iyadoona uu sheegay inay isugu imaan doonaan kulamo kale, oo sida uu sheegay ay Maxkamaddu go’aan kaga gaari doonto xukunada dadkaasi.https://twitter.com/naanaws1

No comments:

Post a Comment