Somaliland oo gaari u celisay Puntland
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa sheegtay in shalay ay dib ugu celisay maamulka Puntland gaari lagala soo baxsaday todobaadkii hore.
Gaariga waxaa leh madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay, waxaana loola baxsaday dhanka Somaliland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in gaariga lagu wareejiyay saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ee ku sugan aagga Tuka-raq ee gobolka Sool.
Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa sheegaya in inkastoo Somaliland iyo Puntland ay ku muransan yihiin siyaasadda, ay haddana isu celiyeen denbiilayaasha.
No comments:
Post a Comment