Gabaygani wuxu ka hadlayaa dabargoyntii "faqashta" iyo dib-ka-naaxyada daba dhilifka u ahaa ee ku hodmay hummaagga Daaroodism-ka ee dalkii Somalia la odhan jirey lagu burburiyey. Wuxu gabaygu si gaara u tilmaamayaa jilibka Dhulmahante la yidhaahdo oo ku hantaaqmay haadaantii uu Afweyne uga tallaabsaday kuna hoobtay hadimadii ay la damacsanayeen Habar Jeclo oo taariikh ahaan ku guntaday dhawr jeer oo ay qabiilkaa yari xabaal qarka u saarmeen. Gabaygu taariikhdaas ka sokow wuxu taabanayaa halaaggii cuskaday qolyihii uu hoday hororkii Garbahaarrey ee Afweyne Barre.
Sa'da gabayga suugaan haddaad xaraf ka saanqaaddo
Ama aad sarbeebtiyo naxwaha sadar ka liishaanto Runta lalama seegiyo halkuu suura ku ahaaye Suaashaan dhugmada kuu lahayn waad ku saxataaye Ragbaa arar-subbeehida yaqaan oon sagootiyine Gartana laysma siiyoo marbaad surinka weydaaye Hayeeshee sangaabtiyo tixday salawday laabtaydu Aan xalay saqdii dhexe mirtee saaqay madaxayga Anigoo sardhada nuugayaa sookac lay yidhiye Hadba aniga oo somman bay ii sallaxantaaye Senge iyo Baroor xoodanoo Saynax iyo Bood leh Markaasaan sitaaciyo warmaha nadiga saaraaye Markaasaan saqaafaha korjoog suugha ku eryaaye Markaasuu Sarmaantiyo kobaha Sarinka gooyaaye Markaasuu ku soonnaaniyaa beel surmo u taalle Markaasaan Sakaallaha furtaa subax ku baadhaaye Markaasuu sawaxan geylamaa Saawi golaheede Markaasaan Samaadeey xeryaha kaga safeeyaaye Markaasuu sutida leexiyaa saacad iyo dhawre Markaasuu sibraarkiyo cabbaa Suusac iyo dhay'e Afartaa silsilad gaara iyo sogordah waayeel dheh Adduunyadan sikiiraha dhigtaye samada loo guuray Markaan deyey sansaankiyo Laxaha, Sanaca taariikhda Aan deyey sannadihii gudbiyo sulufka qiiqaaya Aan deyey waxyiga soo socdiyo saaka waxa jooga Minka Faalku soo saaray waa saxalki Daaroode Sooraa gudduutay iyo Cimruhu, Seerihii dhige'e Salmuhuu Gurracay baan arkaa, Sigay Faraaciine Anoo hadalka meel kula socdaan qaar ku sahaydaaye Sunbaygiyo Curraafkaan hayaa waa Siciid jabay'e Teeriyo sabaan Nuux intii seedka la afuufay Sahwi kama baxdaan iyo inaad suruc gadooddaane Saryankaydin dhaamiyo ugaadh socota waadaale Hadba sarac go'iinniyo dhunkaal baad sandalataane Wadaadkii saraayaha dhigee, Saaxirku halleeyey Suufigii BahGeri waydinkii Saayirka lahaaye Subax qudha markii reer Taleex salabka loo qaaday Kumanyaal xakamihii sitaa haadka loo solaye Sagaar dabadka waatay noqdeen soobirkii Gorode Sargabyada caruurtiyo marbaad suunka dubateene Sakhir baa geyiga aannu naal Saatir kuu dhigaye Wax dhaaxaad sudaha reer Isaaq samo ku joogteene Wax dhaaxaa safraha reer garaad Saaxil loo diraye Mariyihii Sibbaaqiyo lahaa seynabtiyo luulka Subeeciga Siyaakhiyo Dhaclaha, Suufka la xijaabto Satiyada dhibaadda ah gabdhaha, Saaqa iyo Qaali Yarad-siinta saaxiib-cunkiyo, saacidkiyo loogga Sandaqa iyo Siin-raac gobeed, saami iyo gaafow Wax dhaaxaad abtiyo Seeddiyoo, saas ku rarateene Salka lagama dhaacawo, halkay sagabtu kuu taalle Saboolkiinna nimankii korshaad, Sede ka raacdeene Sirqadii danteeda oggol, baad buro ku siisaaye Sarsarrida waxaad kaga jabtaan, sudhaya Daaroode Sodcaal iyo tolnnimo kaa fogbaad, sare u waabteene Sibraar baad ku badhax qaadateen, aan sidde lahayne Sandareero iyo dheefyarbaad, saac ka dhigataane Marna talada kama saadisaan, say hadhoow noqonne Saddexadiyo Kaymaha markuu, sagalku doogeeyo Sayax dheregga waad leedihiin, seben barwaaqaade Saxan-saxada lagu mayracaa sogobku baaqaaye Soobaan-Garwadi baad tihiin, Seylo roob helaye Soddon-guuradii dawladdaad suxulka leefteene Kuwii Darayga soognaan jiraa suuq-madow helaye Surwaal iyo haddaydiinku hora, saacad iyo Shaale Haddii badow caqligu seemmanyay suudh cad lagu taago isagaan Salaaddiyo sharciga, siin ka garanaynin Salbac-kibirka xaajada hadduu saailka abbaaro Durba waxad saluugtiyo gefkuu libinta siiyaaye Ragna haddaad salleelle u gashaan sababi kuu geynin Sedo lagama raadshiyo inaad saayirkii tahaye Sur-taag iyo qab aydnaan lahayn baad sawirateene Suunnaarta iyo shaarubtii la isku soohaayey Hindigii garbaha lagu sitaye suubban lagu qaatay Sabo gacal nin waayaa martiya, sooryo inaneede Sarartii ciyiga loo baxshaad selel ka qaaddeene Maahmaah raggii hore sugeen oo sax lagu sheegay Siduu yidhi Haweenkiyo Farduhu, waa sacaadada'e Midbaa Biliga kaa seexisoo aad ku sirirtaaye Midna sareedo iyo bayddi baa lagugu siiyaaye Sibro dhiigleh maantana miyay idinku saameeshay Single iyo cudhaadh baad tihiin, saydhan meerta ahe Sinji lagu arooriyo qabiil kuma sed qaaddaane Hadba qolada xeegada siddaad saar u noqotaane Sako laguma maal qaybsadiyo subag Diraaceede Col la saaray saymaha dagaal, saydho iyo weerar Saloogeeyda goob lagu dhintoo, Seenyo ololayso Signal iyo caruur baaqayiyo, saanaddiyo yoolka Sakatiga dhimbiilaha horaad suruqda jiidhaane Saanbooli naaxdiyo kuwii Soolka laga raafay Summad-Laawe iga hiiliyiyo, sab iyo qayrkeeda Salsalliigtu uma beer dhigaan, sumuca reer sheekhe Saliimkii qalbiga daahirka ah, yaannu sidannaaye Alamtara kuwii loo sakhiray, suuradaha diinka Sulubkiyo Shinnidi baannu nahay, Saadadii Beder'e Siikaawiga cidhbaha gaaban, iyo Suugga idin boobay Silcayeeyda naagaha guryaha, seexan kari waayey Sambabkiyo Wadnaha diidayee, Soodhku idin gooyey Safankiyo cagaa idin gubtay, iyo Suulashiyo Fayga Saleegyaha wejiga kaa lushiyo, siigadiyo Weerka Inay tahay Saleebaan hog-waa, saas adaa qiraye Sarta kabaha waataa ilkaha, aad ku sidataane Sandullaad ku amar qaadateen, samir la'aaneede Sakal Nibiri iyo Cawjad, yaad sibiq tidhaahdeene Simbiriirixaad ugu dhacdeen, meel Sambaatiyahe Suryo cururuqaad ugu jirtaan, seeto godobeede Inyaroo Suldaankii wataa, saamax loo qoraye Sakhraan iyo Khaliif baadiye, iyo Saalax iyo Deeble Safkii ina Buraaliyo lahaa, Suufi iyo Qaybe Darajada Sabuuxda ah, kuwii beenta lagu siiyey Salxaan iyo hubkii Shiish-Wanaag, Soofe iyo Morgan Aaway Samatar iyo ciidankii, waa la sugayaaye Sahankiyo barbaartii kacdiyo, Saajinadi qooqay Intii inan sarkaal qaadatee, seefo lagu gaadhay Ama wiil sarraxa muujiyee, sigic u laafyooday Siijeed kuway ugu dhacdaye, saas u kala jeexday Iyo qaar gacmaa lagu sidoo dhaawac sirinsiiray Iyo qaar sinaha jiidayoo, Seedda ka curyaamay Iyo qaar sullaacii baqaha, Samiyihii xooray Iyo qaar siniintii arkoo, dhiig-la-socon-waaya Iyo qaar naftoodoo suke ah, saafur lagu sheegay Samoow Nuur Bidaar iyo raggaan, saa u garanaayo Kuwii amarka seelseelliyiyo, meeye ina Saadle Siraad bay ku doondoonayaan, siliglayaashiiye Sidigtiyo bahnimadaad qabteen, waydinkii siray'e Sacmadeeqo, Sool, iyo Karkaar, sabarka Buuhoodle So'da Dogoble, meeshiyo Sarmaan, sediyadii Dhooddi Darantii Sifaarkiyo lahayd, suugadiyo Dhuurta Sanqadh laguma oga dawyadaad, saakin ku ahayde Salsaal baa ku dhacay reerihii, sixintu dhoobnayde Xaggan seegte meel kalena, way kaa silloon tahaye Sanbaa Libaax baa fadhiya, soonihii Xamare Surrad baa dhextaal buundadii, webiga saarrayde Irir iyo Sagaal maanta waa, sun iyo deebaaqe Siddeed iyo Ajuuraanna waa, kaa siqsiqayaane Sabuulkooda nimankaa cunteen, yaa sammaamuraye Beerihii siyaaxiyo lahaa, Saakow iyo Waamo Samsamkii shabeelkiyo Markee, sahalka loo qaatay Sintii Curuba iyo Baar Taleex, waa sallaan dumaye Inaad Booli-Qaran seexataan, haw siddiiddiyine Safrad bay la dulug lee yihiin, sibirya dheertiiye Sagag iyo waddada Ceel-Garraa, kuu sokeeya ahe | |||
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi |
Nala soo xidhiidh
Email:-cabdiiyogol@gmail.com
Facebook:-Maxamedcabdi19
Facebook:-Maxamedcabdi19
Saturday, 30 April 2016
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment