Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xalay saqdii dhaxe waxa ay weerar ku qaadeen guri uu xaafada Axmad Dhagax ee magaalada Hargeysa ka dagnaa Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) oo kamid ahaa Culumada magaalada Hargeysa.
Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo gaar ah oo watay gaadiidka booliiska ayaa xalay Saqdii dhaxe xili dadka badi hurdeen waxa ay xoog ku galeen Guriga Sheekh Aadan Sunne, waxaana ciidamada lagu soo waramayaa xiliga ay xirayeen Wadaadka in ay qal qal badan ku abuureen Qoyska Wadaadkan .
Maamulka Somaliland wali ama hadlin sababta ka dambeysa in lasoo xiro Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa culumada ugu caansan ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.
Sheekh Aadan Sunne ayaa sidan oo kale horey loogu xiray magaalada Hargeysa , Sheekha ayaa caan ku ahaa in uusan la ganban fikradiisa, waxa uuna inta badan jeedin jiray Khudbado ka careesiiya maamulka Somaliland.
No comments:
Post a Comment