Nala soo xidhiidh

Email:-cabdiiyogol@gmail.com
Facebook:-Maxamedcabdi19

Friday, 29 April 2016

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa uu Heshiis la saxiixday mid kamid ah Maal qabeenada u dhashay Sacuudiga.

Gaas ayaa Heshiis ku aadan maalgashiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland la saxiixdey Maal-qabeenka weyn ee kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuu

Heshiiskaasi ay kala Saxiixdeen Madaxweynaha Puntland iyo maal-qabeenka sucuudiga ayaa ah dhismaha Deked laga dhisi doono magaalada Garacad ee Gobolka Mudug, waddo laami ah oo isku xidhi doonta magaalooyinka Garacad iyo Galdogob, iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Amiir Suldaan bin Naasir waxay ku heshiiyey in Amiirku maal-gashada Wershado kalluunka qasacadeeya iyo qaboojiyayaal waaweyn oo laga hirgelindoono deegaano xeebeedyada Puntland ee ay kamidka yihiin Laasqoray, Baargaal, Xaabbo, Ayl iyo Garacad.

Maal-gashiga xoolaha nool iyo dugsiyo lagu baran doono xirfadaha kalluumaysiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha ayuu sidoo kale ballan qaaday Amiirku in uu ka hirgelin doono deegaano kala duwan oo kamid ah gobollada Puntland, isla markaana waxaa laysla qaatay in heshiis kaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo.
http//:www.twitter.com/naanaws1





No comments:

Post a Comment