Nala soo xidhiidh

Email:-cabdiiyogol@gmail.com
Facebook:-Maxamedcabdi19

Friday, 29 April 2016


Masjid dhismo uu ka socday oo kuyaala agagaarka KM-13 gaar ahaan xaafada loo yaqaan Weedow ee Degmada Dayniile ayaa maanta soo dumay, waxaana qasaaro dhaawac uu kasoo gaaray qaar kamid ah ragii dhisayay.

Sida aan Wararka ku heleyno Masjidka ayaa dumay xili la shubayay biyaanada koobaad ee masjidkaasi, waxaana bur burka masjidkaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 10-qof oo kamid ahaa shaqaalihii masjidkaasi dhisayay.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo tagay masjidka soo dumay ayaa sheegay in bur burka Masjidka ay dad badan ku dhaawacmeen , waxa uuna tilmaamay in Masjidka soo dumay ay kusocotay dhismo.

Lama oga wali waxa sababay in uu soo dumo masjidka dhismaha uu ka socday ee kuyaala Xaafada Weedow ee Degmada Dayniile, waxaana labadii maalin lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka da’yay roobkii gu’ga.

No comments:

Post a Comment