Nala soo xidhiidh

Email:-cabdiiyogol@gmail.com
Facebook:-Maxamedcabdi19

Friday, 29 April 2016

Qoraal kala duwan oo lagu soo daabacay shabakadaha ka faalooda arimaha Siyaasada Turkiga ayaa baahiyay Sawiro laga soo qaaday Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga oo feer iyo laad iska badiyay.

Feerka iyo laadka ayaa yimid kadib markii Xildhibaanada Mucaaradka Turkiga ay is hortaag ku sameeyen sharci la sheegay inuu ka hor imaanaayo Xildhibaanada Mucaaradka.

Xildhibaanada Mucaaradka oo markii horaba ahaa kuwo abaabulan ayaa is hortaagay iyaga oo sheegay in sharcigaasi ay Dowladu ku dooneyso inay ku xirxirto Xildhibaanada qaar oo lagu tuhmaayo inay kamid yihiin ururada hubeysan ee Kurdida.

Xildhibaanada ayaa goobta uu shirka ka socday ka dhigay fowdo iyo gacan ka hadal, iyadoo markii danbe ay soo kala dhexgaleen Ciidamada ilaalada ka ah Xarunta.

Foodada iyo laadka meesha ka dhacay kadib ayaa waxaa hakat galay shirka.

No comments:

Post a Comment